Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka bilaabay Nairobi (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka bilaabay Nairobi (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020Updated:January 22, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaas.

    Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nairobi kusoo dhaweeyay Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Kenya, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Masuuliyiin kale, waxaana uu intaas kaddib la yeeshay kulan.

    Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi, kulamo la qaadan doona Safiirada Beesha caalamka ee Soomaaliya, oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, sharciga Batroolka ee ay ansixiyeen Golayaasha DFS iyo qeybsiga deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya.

    Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa la kulmi doona Xildhibaano kamid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Siyaasiyiinta diidan hab-dhaqanka Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.