Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf u Sameeyey Isimada iyo Wax-garadka Gobolka Bari (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf u Sameeyey Isimada iyo Wax-garadka Gobolka Bari (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 18, 2019Updated:October 18, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah qado sharaf u sameeyey Isimada, Nabadoonada iyo Wax-garadka gobolka Bari. Kulankan qado sharafta ah oo ka qabsoomay ceelka Biya-kulule ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda kulanka qado sharafta ah, waxaana uu sheegay inuu daaran yahay is-xogwaraysi daahfuran oo muhiim u ah wada shaqaynta haldoorka Puntland iyo dowladda.

    “Runtii sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta Ceelkii Biya-kulule oo tariikhda Boosaaso ku suntanaa inaan bulshada miideedii kula kulmo aad baan ugu faraxsanahay, waan idiin ka mahadcelinayaa sida aad usoo ajiibteen iyo wakhtiga kooban ee aad ku timaadeen, runtii iswaraysigeenu waa badnaan doonaa haddii Alle idmo. Puntland waxay ku astaysan tahay dad wadatashada, nabadgelyadooda sugta, dowladnimada ka wada-shaqeeya dadka Soomaaliyeedna kaalinta ay ka mudan yihiin garab istaaga mar walba, beertan intaan ogahay waxaa lagu soo dhoweeyey dad farabadan oo madax ahaa 1991-1993 oo dhinaca koonfureed ka yimid, runtii waan rajaynayaa dowladda hoose ee Boosaaso in ceelkan iyo nawaaxigiisa ay aad u horumariso, ka shaqayso bilicdiisa, ilaaliso nadaafaddiisa, anagana waxaan kala qayb qaadan doonaa wadada soo gasha inay wado laami ah noqoto”.

    “Kulanka muhiimaddiisu waxay hayad runtii inaan isu xogwarano, dalkeenu isbedel farabadan buu soo maray, isbedelkaas ma rabo inaan dib ugu noqdo, waxaan rabaa meesha uu marayo iyo meesha uu u socdo inaan waxyar ka iftiimiyo, dadka reer Puntland markii ay halka yimaadeen ma aysan ciilkaambiyin ma aysan ka shanlaayin wixii ku dhacay, dib wax uma milicsan sida dabeecaddooda ahayd hore ayay u socdeen, degaanadoodii oo baaba’sanaa ayay dhisteen, danahooday qabsadeen, tacliintii iyo caafimaadkii ayay wax ka qabteen, amnigoodii bay sugteen maamul bay dhisteen, wax-lagu mahadiyo oo qofkastoo caqlileh oo weliba degaanada kale ee Soomaaliya markuu tago laga-mahadiyo bay dhisteen”.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dhulka Puntland ka baaxad weyn yahay dalal badan oo caalamka ah, kana fursad wanaagsan yahay, waxa uu sheegay in horumarka Puntland gaadhey ay saldhig u yihiin shacabkiisu.

    “Gobolada Puntland 90% waxaa la oran karaa waa dhul aamina oo horumar ka socdo, iskuuladii baa furan, xarumihii caafimaadka baa meel walba ka jira, ceelashii biyaha baa meel walba laga qodayaa, nabaddii baa la baahinayaa oo saldhigyadii baa furan, dalal badan oo xor ah oo adduunka ka jira Puntland baa ka baaxad weyn, Puntland waa maamul aan ahayn maamul gaar u taagan, waa maamul is maamul ah, shaqada intaa le’eg inuu qabto dadkeeda ayaa xaqiijiyey, dadka madaxda ka ah ma aha waxa waxaasi qabtay, waxa dadka nabaddiisa ka shaqaynayaa, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Deni ayaa haldoorka gobolka Bari uga warbixiyey kulamo muhiim ah oo uu la qaatay shacabka Jubbaland waxa uu tilmamaay in Puntland diyaar u tahay garab istaagga shacabka Jubbaland iyo dhismaha dowladnimadooda.

    “Runtii degaanada Jubbaland iyo Puntland waa mataano, Soomaalidu waxay tiraahdaa Indhuhu waa isku seexdaane Makala seexdaan, Puntland iyo Jubbaland waa laba indhood oo inay isku seexdaan loo baahan yahay, waan garanayaa dadkaas dereenkoodu sida uu ahaa siday u danaynaayaan Puntland garab istaageeda, dadka halkan ku dhaqan dadkooda kale ayaa joogey , waxaan fursad u helay dadkaasi sida ay u dhaqan yihiin inaan u la kulano, saad la socotaan dowladda dhexe arrintaasi saluugmo ayay ka muujineysey, aad baan runtii isugu deyey in arrintaas laga gudbo oo xaaladda doorasho ee meesha ka dhacday sida aqlabiyadda dadku ay danta bideen oo door bideen in Axmed Maxamed Islaam oo aniga laftaydu qirayo inuu ku haboon yahay ay doorteen”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in Madaxdii Kismaayo ka qayb gashay caleema saarka Madaxweynaha cusub oo ay kamid ahaayeen Madaxweynayaal hore ay saluug iyo dhiilo ka muujiyeen cabudhinta jirta, waxa uu xusay Madaxweynuhu in uu talo badan iyo tusaale kasiiyey arrintaasi, dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Puntland inay ilaashadaan xasiloonidooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.