Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka jaray Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Garoowe (Daawo)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka jaray Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Garoowe (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 16, 2019Updated:March 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xadhiga ka Jaray Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Caasimada Puntland ee Garoowe.

    Munaasabadda xadhig Jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Yugatoor (Gabiley), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Puntland ayaa xadhig jarka kadib, kormeer ku sameeyey qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Kaydka Shidaalka diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir, waxaana uu warbixin ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo kaydku kasiiyey masuuliyiinta gacanta ku haya ee shirkadda Sunrice, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey hawsha adag ay u hayaan dalka iyo dadka.

    Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa munaasabadda xadhig jarka ka tusmeeyey in daahfurka kaydka shidaalku yahay qaybtii ugu muhiimsanayd ee Puntland u baahnayd dhanka horumarka, isagoona cadeeyey in Garoomadu yihiin wejiga dal-walba laga cabirqaato horumarkiisa.

    “Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan xafladdan kasoo qayb galo, waa wax lagu farxo tani, dalkeenu wixii uu u baahnaa qaybtii ugu muhiimsaneed baa la oran karaa in ay tani tahay, maxaa yeeley wajiga Puntland ama wajiga wadan kasta waa garoomadiisa.

    Garoomadeenu in ay noqdaan garoomo casri ah, indhaha caalamka soo jiita, diyaaradaha caalamka soo jiita, waxay sahlaysaa in dalkeenu noqdo meel si sahlan loo soo gaarikaro, markii taas la helo waxaa iimanaysa maalgashi iyo dad danaynaaya dalka barwaaqada ah, kaas oo ay bulshadeenu ka helayso shaqo abuur oo noloshoodu kor u qaadmi doonto, isbedel weyn baan rajaynaynaa Inshaa Allaah” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa beyaamiyey in shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga iyo maalgashiga lagu qaban doono Puntland, kaasi oo waxbadan kusoo kordhindoona kobaca dhaqaale ee dalka, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono xagaaga soo socda.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/632243100581281/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.