Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Ruushka oo farriin u soo diray Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweynaha Ruushka oo farriin u soo diray Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

    Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.

    Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka biniโ€™aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

    Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

    Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga goโ€™an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.