Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Somaliland oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay+Akhriso
    Somalia

    Madaxweynaha Somaliland oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa xilalka looga qaaday xubno ka tirsan wakiillada Soomaaliland u fadhiya dibadda .

    Wareegtadan  oo ku kala summadaysnayd JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, ayuu sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xilal ugu magacaabay xubno kale, waxa ayna u dhignayd sidan:-

    Wareegtooyin Madaxweyne

    XIL KA QAADIS

    Ku: Maxamuud Cabdi Dacar

    Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

    Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed

    Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

    Ku: Sulub Warsame Xuseen

    Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

    Ku: Cabdalla Muuse Axmed

    Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

    Ku: Cali Maxamed Axmed

    Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

    Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir

    Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

    Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

    Mudanayaal iyo Marwo,

    Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

    MAGACAABID

    Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

    Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

    Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

    Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

    Markaan Sameeyey: La-tashi;

    Waxaan Go’aamiyey;

    In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

    1. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub.

    2.Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska.

    3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya.

    4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway.

    5.  Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka.

     6.Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika.

    7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya.

    8. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

    9. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.