Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqsaday Shirkii Madaxda Carabta
    Somalia

    Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqsaday Shirkii Madaxda Carabta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 31, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    TUNIS (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed โ€œFarmaajoโ€ ayaa waxa uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Carbeed ee caadiga ah meertadiisa soddonaad oo maanta ka furmaya Caasimadda Tunis ee dalka Tunisia oo ay ka qeybgalayaan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Crabeed.

    Shir madaxeedka Carbeed ayaa ka doodaya dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan,

    Wasiir Axmed Cawad oo ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya, isagoo carabka ku adkeeyay in Goolan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israaโ€™iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato sida uu qabo Qaanuunka Caalamiga, baaq aqoonsi oo ka soo yeerana dowlad kastana aanu waxba ka bedeleyn xaaladda.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.