Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Ukrain oo dalbaday Hub dheeriya
    Somalia

    Madaxweynaha Ukrain oo dalbaday Hub dheeriya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 26, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dagaalka lagaga hortagayo duullaanka Ruushka, uusan bilaaban karin illaa xulafada Reer Galbeedka aanay usoo dirin taageero militari oo dheeri ah.

    Waxa uu wargeys ka soo baxa dalka Japan u sheegay in aanu ciidamadiisa u diri doonin jiidaha hore ee dagaalka, haddii aanay jirin taangiyo badan, madaafiic iyo gantaalaha Ximaar.

    Wareysi uu siiyay Yomiuri Shimbun, ayuu ku sheegay in xaalada bariga Ukraine aysan wanaagsaneyn.

    “Waxaan sugaynaa hub iyo rasaas fara badan, oo inooga timaado xulufadeena iyo asxaabteena,” ayuu yiri.

    Mar wax laga waydiiyay weerarka la filayo in uu ku soo wajahan yahay, ayaa waxa uu yiri “Ma bilaabi karno inaga dagaal, ma diri karno ciidamadeena geesiyaasha ah oo aan lahayn taangiyo, madaafiic iyo gantaalaha riddada dheer”.

    Waxaa jiray hadal hayn dhowr toddobaad ah, oo ah in Ukraine ay qaadayso weerar xiliga Guga oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.

    Taliyeyaasha Ukraine, ayaa ka dhawaajiyay inay dhici karto inay taasi soo dhawaatay.

    Oleksandr Syrskyi, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Ukraine, ayaa sheegay in usbuucan laga yaabo inay “dhaqso u dhacdo tallaabadaasi”.

    Falanqeeyayaasha qaar, ayaa sheegaya in militariga Ukraine ay ka hadlayaan fikradda weerar rogaal celis ah ,oo ay ku carqaladeynayaan dhiggooda Ruushka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.