Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo baaq kasoo saaray Asmara (War-murtiyeed)
    Somalia

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo baaq kasoo saaray Asmara (War-murtiyeed)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki.

    Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

    Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

    Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

    Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

    Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka.

    Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay.

    Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho.

    Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

    Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

    Waxaa lagu soo saaray Asmara, Ereteriya 11-ka Jannaayo 2020

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.