Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka ingiriiska oo kulmay
    Somalia

    Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka ingiriiska oo kulmay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

    Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen.

    Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay.

    Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan.

    Danjirahu wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro galin dhinac walba leh.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay dhaliilaha ay arkaana uu la wadaagay

    Waxaa uu intaas ku daray dagaalka Al-Shabaab iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa iyo gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

    waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in ay Dowlada Federaalku abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada ay Xamar kasoo abaabulayso kuwaas oo ay Jubbaland ka fulinayaan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay Bulshada Caalamka iyo Safiirkana ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.