Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Axmed Madoobe Oo la kulmay Safiirka Denmark
    Somalia

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo la kulmay Safiirka Denmark

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Marwo Mette Knudsen oo ah Safiiradda Dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles .

    Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Safiiradda warbixin kooban kasiiyey xaalada guud ee Jubbaland, Doorashadii iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo.

    Sidookale madaxweynaha ayaa safiiradda la wadaagey aragtida Jubbaland ee doorasahda 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara DFS iyo Dowlad goboleedyada dalka.

    Marwo Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, taas oo ay sheegtey in Madaxweyne Axmed uu u yahay udub dhexaad loona baahanyahay markasta aragtidiisa amni iyo tan siyaasadeedba.

    Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyey Dowlada Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.