Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaal:-Madaxweyne Dani oo casho sharaf usameeyay Madaxda Somalida iyo haldoorka bulshada
    Somalia

    Muuqaal:-Madaxweyne Dani oo casho sharaf usameeyay Madaxda Somalida iyo haldoorka bulshada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2019Updated:January 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha DFS, iyo Madaxda Maamullada Dalka.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa oo taariikhdu tahay 27 January 2019 casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha 8Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowaddaha Xubnaha Ka ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

    Casha sharfata uu sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geedi, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

    Munaasibadda casho sharafta ah ayaa ahayd mid lagu maamuusayey Madaxda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, munaasibaddan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa fanaaniin caana oo qaaday heeso wadani ah iyo kuwo ay ugu talagaleem Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka iyo masuuliyiinta kasoo qayb galay casho sharafta u gacan qaaday mid mid waxaana uu ugu tegey shakhsi kasta goobta uu ka fadhiyo Madasha.

    =DHAMMAAD =

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/WarbaahintaDawladaPuntland/videos/1965248780437703/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.