Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Dani oo qaabilay wafuud ka socota Qaramada midoobey
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Dani oo qaabilay wafuud ka socota Qaramada midoobey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2019Updated:January 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta 16 January 2019 xafiiskiisa ku qaabilay laamaha Hay’addaha UN-ka qaybtooda ka hawlgala Puntland, kuwaas oo kala ah UNSOM, UNICEF, UNDP, UNHABITAT, UNOCHA, UNDSS, FAO iyo WFP.

    Kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaatay saraakiishaasi ka socdey laamaha UN-ka Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana uu ka warbiyey arrimaha muhiim ka ah ee lagaga hadlay kulanka.

    “Maanta Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Hay’addaha UN-ka qaybaha Puntland ka degan, ulajeedada uu Madaxweynuhu ula kulmayna waxa ay ahayd inuu xogogaal u ahaado shaqooyinka ay Puntland ka hayaan, waxa uu ka xog waraystay waxqabadkoodii hore iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin in ay fuliyaan mudooyinka soosocda Insha Alla” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

    Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa tilmaamay in kulanka ay qayb ka ahayd in Madaxweynuhu ku dhiiri geliyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Puntland ka wadaan, isla’ markaana u balanqaado in shaqadu u socondoonto sidii logu talagalay,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/Puntlandeni/videos/2270570203164794/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.