Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni iyo waftigiisii oo gaaray Jabuti
    Somalia

    Madaxweyne Deni iyo waftigiisii oo gaaray Jabuti

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jabuuti: 18, Febraury , 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

    Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa leh xiriir wadashaqeyn oo ku salaysan dhinacyada Amniga, Horumarka iyo Ganacsiga.

    =DHAMAAD=

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.