Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo ku wajahan dalalka Kenya iyo Imaaraadka carabta
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan dalalka Kenya iyo Imaaraadka carabta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020Updated:January 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaw la filayaa inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaas ee xarunta Gobalka Bari, isagoona ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

    Safarka Madaxweyne Deni ee Kenya, oo ah mid deg deg ah ayaan la ogeyn ujeedadiisa, waxaana wararku ay sheegayaan inuu magaalada Nairobi kulamo kula qaadan doono Safiirada Beesha caalamka ee Soomaaliya, oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, sharciga Batroolka ee ay ansixiyeen Golayaasha DFS iyo qeybsiga deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Deni uu kulamada Safiirada Beesha Caalamka, ku wehlin doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaanahan ay shirar ku lahaayeen Magaalada Boosaaso, kaas oo talaadadii si toos ah ugu amba-baxay Magaalada Nairobi.

    Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu magaalada Nairobi uga sii gudbi doono dalal uu kamid yahay Imaaraadka Carabta, oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda sare ee Dowladda Imaaraadka iyo Masuuliyiinta Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda Boosaaso, oo ay sanadkii 2017-kii ay Puntland kula heshiisay balaarinta iyo dhismaha Dekedda, balse illaa hada aan wax ka qaban.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni,  ayaa ku dhawaad shan jeer aaday dalka Imaaraadka carabta, mana jirto wax guulo ah oo laga arkay safaradiisii hore oo isugu jiray kuwo Madaxtooyada shaacisay iyo kuwo qarsoon.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.