Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo Kulan La qaatay xubnaha Puntland Ku Metela Aqalka Sare
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo Kulan La qaatay xubnaha Puntland Ku Metela Aqalka Sare

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe,idil News. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Garoowe qaar ka mid ah sanatarada Puntland ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

    Kulankan oo ujeedadiisa iyo gun-dhiggiisu ahaa is xogwaraysi guud ee xaaladda dhan-walba ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaaliisamka, dhammaystirka nidaamka loo marayo dastuurka KMG ee DFS iyo arrimo kale oo muhiim ah.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulankan muhiim ka ah ee uu la qaatay sanatarada.

    โ€ Waxaan Caawa Kulan la yeelanay aniga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku xubno Aqalka sare ku metela Puntland, dood dheer iyo isla-falanqayn ayaan ka yeelanay xaaladda dalka, meesha uu marayo, Puntland iyo waxa la gudboon, sidaas darteed ayaan doonaynaa in aan la wadaagno bulshada Puntland welwelka aan ka qabno habka siyaasadeed iyo dalka sida loo maamulayoโ€.

    โ€œKhataraha ugu badan ee Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo oo uusan wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa halkaas marka kasoo baxaysa in habka dalka hadda lagu wado uusan ahayn habkii lagu heshiiyeyโ€. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale xusay in Puntland diyaar u tahay sida tariikhda ku xusan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo taama, taasi oo ku salaysan nidaamka Federaaliisamka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.