Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo maanta laga sugayo Magaalada Qardho.
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo maanta laga sugayo Magaalada Qardho.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

    Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Qardho, Iyadoo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa ay maalmihii ugu dambeeyay ka socotay Qardho.

    Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Labo Maalmood ku sugnaado Magaalada Qardho, isagoona kulamo la yeelan doona, Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta amniga iyo Hormarinta Qardho.

    Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Qardho la kulmi doona Boqor Burhaan Boqor Muuse oo uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya, Iyadoona muddooyinkii ugu dambeeyay ay socdeen dadaalo lagu heshiisiinayo Madaxweynaha Iyo Boqorka.

    Socdaalka Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ah kii ugu oreeyay oo uu ugu baxay Magaalada Garoowe, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland, waxaana la filayaa in uu u sii gudbo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.