Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Maxkamadda sare ee CQS ee Puntland (Akhriso)
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Maxkamadda sare ee CQS ee Puntland (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020Updated:January 12, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Dowladda Puntland, isagoona magacaabay Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay.

    Madaxweyne Deni ayaa u magacaabay G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan, Guddoomiyaha KMG ah ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xilka qaadis ku sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo kala ah:

    2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
    2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
    2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
    2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
    2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
    2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in Xil-kaqaadista uu ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, ay ku timid Cabashooyin taxane ah oo la xariira caddaalad-darro, kuwaas oo uga yimid mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

    Shabakadda Idil News ayaa maalmo kahor shaacisay is-bedelka uu Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorka Maxkamadda sare ee Ciidanka Puntland, iyo in Madaxweynaha ay xafiiska hareeyeen Dacwado la xariira Musuq-maasuq, Cadaalad-darro iyo Laaluush laga qaatay Xubno katirsan Argagixisada oo la sii daayay.

    Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada kazoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.


    Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

    Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

    Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

    Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    Wuxuu xeeriyey:

    1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
    2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
    2.3. G/sare. Aada Xuseen Maxamed Garsoore
    2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
    2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
    2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

    Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    = DHAMMAAD=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.