Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudiga khilaafaadka Ee soo xulida Xildhibaanada
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudiga khilaafaadka Ee soo xulida Xildhibaanada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 12, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 12 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

    Madaxweynaha Dawladda Puntland

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD iyo 61-AAD.

    Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2018 kuwaas oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

    Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Punltand (Vetting Committee)

    Wuxuu xeeriyey:

    Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

    1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
    2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
    3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
    4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
    5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
    6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
    7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
    8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

    Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.