Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer – Madaxweyne Lr. 003 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyeyaasha Gobol.
Gobolka Bari :-
- Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Bari.
- Faarax Maxamed Cabdullaahi waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Bari
- Faarax Salaad Cubayd waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee gobolka Bari.
Gobolka Karkaar : –
- Cabdullaahi Ismaaciil Cismaan waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Karkaar
Gobolka Sanaag: –
- Cali Xusseen Maxamuud Soomaali waxa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Sanaag.
Gobolka Haylaan: –
- Maxamed Faarax Ciise waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Haylaan.
Raasi-Casayr:-
- Muuse Saalax Guulleed waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Raasi-Casayr.
Gobolka Nugaal:-
- Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Food-cade) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Nugaal.
Gobolka Mudug:-
- Cabdiweli jibriil Bayle waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug.
- Cabdulqaadir Warsame Kooshin waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Mudug.
- Mukhtaar Cabdikariim Cilmi waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee gobolka Mudug.
*Xeerkani wuxuu dhaqan gelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-
- XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
