Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Erdogan: Cashar uu u qalmo ayaan u dhigaynaa Khalifa Haftar
    Somalia

    Madaxweyne Erdogan: Cashar uu u qalmo ayaan u dhigaynaa Khalifa Haftar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 15, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay cashar u dhigi doonaan jeneralka rabshoolaha ah ee Libya, Khalifa Haftar, haddii ciidamadiisa ay sii wadaan inay weeraraan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli.

    Hadallada Erdogan ayaa yimid Talaadadii, kadib markii Turkey iyo Russia ay ku guul-darreysteen in Jeneral Khalifa Haftar ay ka dhaadhiciyaan inuu saxiixo heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjari lahaa dagaalka socda sagaalka bil ee uu ku doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya.

    Ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Serraj, oo ciidamadiisa ay ku adkaatay inay hakiyaan weerarada ciidamada Haftar, ayaa heshiiska saxiixay kadib wada-hadallada oo socday sideed saac, sida uu Isniintii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Russia Sergei Lavrov.

    Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Haftar “uu cararay”.

     “Haddii weerarada Haftar ee ka dhanka ah shacabka iyo dowladda sharciga ah ee Libya ay sii socdaan, kama joogsan doonno inaan barno casharka uu u qalmo,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad u jeediyey xildhibaanada baarlamanka ee xisbigiisa AKP.

    “Waa wajibkeena inaan bad-baadinno walaalaheen Libya,” ayuu yiri.

    Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale shalay sheegay in go’aanka uu Jeneral Khalifa Haftar, ee ah inuusan heshiis xabad joojin ah la gelin dowladda Libya ee caalamka aqoonsan yahay, uu muujinayo cidda dagaalka dooneysa iyo tan nabadda rabta ee dalkaas.

    Baarlamanka Turkey ayaa horraantii bishan ansixiyey in dowladda ay ciidamo gayso Libya, si ay uga caawiso dowladda dalkaas inay iska caabiso weerarada Jeneral Haftar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.