Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Erdogan oo booqasho Labo maalin ah ay uga bilaabmayso Dalka Mareykanka.
    Somalia

    Madaxweyne Erdogan oo booqasho Labo maalin ah ay uga bilaabmayso Dalka Mareykanka.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

    Warkan ayey wakaaladdu kasoo xigatay waaxda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa Arbacada kulan wadahadal ah la qaadan doona Mr Trump, isagoo ka arrinsan doona dhammaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladaha ka jira gobolka, gaar ahaan waddanka Suuriya, sida ay sheegtay waaxda isgaarsiinta ee xukuumadda Ankara.

    Bayaanka ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Mareykanka ay isla meel dhigi doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

    Sidoo kale madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmi doona jaaliyadda Turkiga iyo Muslimiinta ku dhaqan Mareykanka.

    Booqashadan ayaa daba socota heshiiskii ay Mareykanka iyo Turkiga  kala saxiixdeen 7-dii bishii October ee dhigayay in xoogagga kurdiyiinta  ee YPG ay si nabad ah dib uga gurtaan waqooyiga bari ee Suuriya, gaar  ahaan meesha uu Turkigu damacsan yahay inuu ka sameeyo aagga ka caaggan  dagaallada, Turkiga ayaa urur argagixiso ah u aqoonsan kooxdaas oo mar xulafo la ahayd Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.