Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Burundi oo kulan yeeshay (Daawo)
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Burundi oo kulan yeeshay (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BUJUMBURA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Burundi ayaa xalay waxaa dalkaasi loogu sameeyay munaasabad Casho sharaf ah oo uu ku marti qaaday Madaxweynaha dalkaasi Burundi Pierre Nkurunziza.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Burundi ku wehliya mas’iiliyiin ay ka mid yihiin Wasiika Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar-dambe) iyo taliyaha Ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe).

    Intii lagu guda jiray munaasabadda Casha sharafta ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza,waxaana ay kulankooda iskula soo qaadeen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    In kastoo uu weli harsan yahay kulanka gaarka ah ee labada Madaxweyne ayaa waxa ay sigaar ah uga hadleen Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka AMISOM oo la qorsheeyay inay sanadkaan gudihiisa ka baxaan dalka wallow walaac farabadan laga muujiyay.

    Dowladda Burundi ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada farabadan ka joogaan Soomaaliya,waxaaana dhawaan la qorsheeyay in in ka badan 1,000 Askari oo ka mid ah ciidamadooda ay ka baxaan deegaano ka tirsan Hir-Shabeelle,iyada oo madaxda Maamulkaas ay cabasho ka muujiyeen.

    Daawo.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.