Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo dadaal ugu jira heshiis uu la gallo Madaxweynaha Jubbaland (XOG)
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo dadaal ugu jira heshiis uu la gallo Madaxweynaha Jubbaland (XOG)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Casuumaad u diray Gudoomiyaha maamulka Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo kamid Baarlamaanka Kenya, kuwaas oo la filayo in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

    Labada Masuul ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, iyagoona ka wada-hadli doono arrimo ay ugu horeyso Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

    Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in Masuuliyiintan ay heshiisiiyaan Isaga iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay isku heyb yihiin Labada Masuul.

    Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbanayo Guddoomiyaha Gaarisa iyo Xildhibaan Yuusuf in lagu taageero sidii dib loogu dooran lahaa, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn.

    Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii ugu dambeysay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu iska diiday wada-hadal iyo heshiis ay dooneysay Dowladda Federaalka inay la gasho, kaddib loolankii Doorashada Jubbaland iyo xayiraadii ay saartay, oo uu kaga guuleystay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.