Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Kenya iyo Uhuru oo kasoo jawaabay dhanbaalkaas
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Kenya iyo Uhuru oo kasoo jawaabay dhanbaalkaas

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2017Updated:February 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhambaal farriin ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed gaarsiisay maanta oo arbaco ah dhiggiisa waddanka Kenya mudane Uhuru Kenyatta.

    Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ahna kusimaha safiirka Cali Maxamed Sheekh Bagadi ayaa madaxtooyada Kenya ku booqday madaxweyne Kenyatta, ayaga oo ku wareejiyay dhambaalka madaxweyne Farmaajo.

    “Waxaan la kulmay Qunsulka Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cumar oo isoo gaarsiiyay farriin ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed” ayuu faafiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta bartiisa Twitter-ka.

    Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh “Bagadi” ayaa SONNA u xaqiijiyay in madaxweyne Kenyata uu aqbalay in uu ka soo qeyb galo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo arbacada soo socota ka dhici doonta magaallada Muqdisho.

    “Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan caqabado iyo fursado guud, si wada jir ah waxa aan uga qeyb qaadan kartaa nabadda iyo barwaaqda gobolka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

    Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed, sidoo kale waxa ay iska kaashaadaan arrimaha ammaanka labada dal gaar ahaan la dagaallanka argagixiada.

     

     

     

    Madaxweyne Uhuru oo kasoo jawaabay dhanbaalka Madaxweyne farmaajo”

     

     

    Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee maalintii shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Maxamed C/aahi Farmaajo.

    Uhuru oo kasoo jawaabay dhanbaal uga yimid Madaxweyne farmaajo ayaa sheegay in wax lagu farxo ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay sidii lagu yaqiinay.

    Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.

    Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.