Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Maxamed Qanyare Afrax
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Maxamed Qanyare Afrax

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Maxamed Qanyare Afrax oo horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan dowladdii KMG aheyd.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuum Qanyare uu qeyb weyn ka soo qaatay dadaaladii dib u heshiisiineed ee dalka ka dhacay.

    โ€œWaxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noqday Wasiir & Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyaโ€ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka Villa Somalia.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

    Allaha u naxariistee Maxamed Qanyare Afrax ayaa ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii siyaasadda ee dalka soo maray kaddib burburkii dowladdii dhexe, waxaana sanadihii u dambeeyay la sheegay in xanuuno kala duwan soo wajaheen, taasoo sabab u noqotay in sanadkii 2012 wixii ka dambeeyay inuu siyaasadda ka baxo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.