Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga+VIDEO
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan.

    โ€œSharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.โ€

    Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey goโ€™aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso.

    Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.