Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay Weerarkii Kismaayo
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay Weerarkii Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

    Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

    “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.