Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo u mahadceliyay Baarlamaanka fadaraalka
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo u mahadceliyay Baarlamaanka fadaraalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 1, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyay mudanayasha Baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka ku siiyeen.

     Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay dowladda u dhaqaaqi doonto dhanka dimoqraadiyadda, waxaana uu intaa ku daray in dowladad ay xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta, dhismaha axsaab siyaadeed iyo xoojinta la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan baaqa dowladda oo ay ka soo tegaan kooxaha dhibaateynaya.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in afarta sano ee soo socota ay dowladdu ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka.

    Guddoomiyaha Baarlaamanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo xiray kalfadhigii maanta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.