Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada India iyo Nigeria (Daawo)
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada India iyo Nigeria (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 14, 2019Updated:February 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya.

    Danjiraha dalka India Rahul Chabbra oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Raโ€™iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.

    Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India.

    Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magacawday Soomaaliya Sheidu Omeiza Momoh ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria.

    Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/2228929433994809/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.