Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray Waddo loogu magacdaray Abwaan Timacadde
    Somalia

    VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray Waddo loogu magacdaray Abwaan Timacadde

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 30, 2019Updated:June 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

    Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan xasuusanno halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalkeenna iyo midnimada dadkeenna.

    https://www.youtube.com/watch?v=mv2AQOvE0go&feature=youtu.be

    “Macno weyn ayay leedahay in aan xusno maanta halyeeygaas, annaga oo ugu magac darnay jidkan halbowlaha u ah Caasimadda. Runtii suugaanta uu nooga tagay Abwaan Timacadde waxa ay saldhig u ahayd dareenka waddaniyadeed ee dadkeenna.”

    Dhanka kale, Madaxweynaha oo xarigga ka jaray Waddada Liido ee Degmada Cabdulcasiis ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada wax ku-oolka ah ee ay dib ugu dhisayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoogga saaraan bilicda iyo faya-dhawrka Caasimadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.