Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo”Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Somalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo”Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Somalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 7, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xayiraadda Donald Trump uu saaray lix dal oo Muslimiin ah.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa haysto dhalashada Mareykanka iyo midda Soomaaliya.

    Dalalka uu Trump dadkooda ka mamnuucay inay u safraan Mareykanka waxaa ka mid ah Soomaaliya.

    Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay madaxweyne Farmaajo oo sheegaya in 150 kun oo qof oo Soomaali ah inay “gacan ka geysteen dhaqaalaha Mareykanka iyo bulshooyiinka Mareykanka qaabab kala duwan”.

    “Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Soomaalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

    “Waa muhiim in Soomaaliya ay sii wado shaqada ay uga guuleysaneyso Al-Shabaab”, ayuu tilmaamaya madaxweynaha.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay Muslimiinta lix dal inay Mareykanka u safraan.

    Dalalkaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Yaman, Suuriya iyo Iiraan. Wuxuu Trump sheegay in argagixisada uu ka difaacayo dadka Mareykanka.

    Amarka waxaa qeyb ka ah in 120 maalmood la hakiyay dhammaan qaxootiga gali lahaa dalkaasi. Wuxuu amarkaasi dhaqan gali doonaa 16-ka bishan Maarso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.