Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Faroole oo ka Tacsiyeeyay Geerida Shuuke
    Somalia

    Madaxweyne Faroole oo ka Tacsiyeeyay Geerida Shuuke

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan tacsi tiiraanya leh ka diraya geerida naxdinta leh ee ku timi walaalkey, saaxibkey Cabdirahman Cabdulle Cismaan ( Shuke), Allaha u naxariiste, oo Jimcaha maanta Oct 4,2024, ku geeriyoday magaalada Nairobi dalka Kenya.

    Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynaya xaaskisi Hawa Aden Camey, qoyska rer Abdulle Othman, ehelada kale iyo asxaabtiisi tirada badan, dadka rer Puntland iyo rer Somalia oo dhan. Ilaahey ha ka samir siiyo, isaga na dembigisa Allaha dhaafo oo Jannadi Firdowsa ha geeyo. Aamiin yaa Allaah.

    Abdirahman-Shuke AUN waxa uu ahaa aqoonyahay iyo siyaasi ruugcadaa ah ee cimrigiisi oo dhan u adeegayay dadka Somalia. Wuxu ka mid aha bahda taclinta Somalia ee uu heer kasta ka so maray, ila u ka noqday Waiirka Taclinta ee Somalia, ka hor burburki 1991.

    Shuke AUN waxan ku wada dhalanay degmada Eyl ee Gobolka Nugal halkaas oo uu macalin ka noqday Dugsiga Hose, isaga oo aad u dhalinyar 1950s, aniguna aan markaas dugsigaas dhiganaayey. Waxaa lagu xususta Shuke taarikhdisi dheered ee waxtarka u lahayd waxbarashada Somalia oo dhan . Si gaar, intu Qaybta Qorsheynta joogay dabadeedna uu Wasirka ka noqday, wuxuu Goboladan Puntland, oo gaari waa loo yaqiin, ka dhisay Dugsiyada Sare iyo Machadyada hadda ku yaal.

    Abdirahman- Shuke, AUN, wuxu haa ninka ugu waxtar badan ee u dhashay Gobolada Puntland, inti dowlad Somalia ay jirtay.

    Ilaahey ha ka ajar siiyo waxtarkisi. Inti burburku dhacay ee Puntland la dhisay na, wuxu aha hogamiyaha Heyadda caan ka ah PDRC ee Garowe taas oo uu ka dhigay Madal Cilmi Baaris Caalami ah ee lagu so hirto ( Somali Leading Civil Society Center). Abdirahman-Shuke Ilaahey ha naxaristo anaga oo dhan ha naga samirsiiyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.