Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethio oo uu kulamo gaar gaar ah la lahaa, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda  dalka Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu.

    Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen  xoojinta Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland iyo arrimo la xidhiidha furitaanka Custom ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland leeyihiin xidhiidh tariikhiya kaas oo ku qotoma arrimaha Ganacsiga, Amaanka iyo siyaasadda, isla markaana ku salaysan iskaashi, wax wada qabsi iyo siyasad togan.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland diyaar u tahay wanaajinta xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia ee soo jireenka ah, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin inlaga wada shaqeeyo wax kasta oo horumarin kara xidhiidhka labada dhinac.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay adkaynta xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, isagoona xusay xidhiidhkaasi in uu yahay mid ku salaysan kalsooni iyo saaxiibtinimo, waxaana uu xaqiijiyey in dalka Ethiopia ku jiro abaabulka wefti ay usoo dirayaan furitaanka Custome ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa soo afmeeri doona shafarkooda shaqo ee ay ku joogeen muddo 5 Cisho ah magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha  iyo weftigisa ayaa guul ka gadhay safarkooda shaqo ee ay ku tageen dalka Ethiopia.

    =DHAMMAAD=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.