Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo kusoo laabtay magaalada Kismaayo
    Somalia

    Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo kusoo laabtay magaalada Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay maaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Waxaa madaxwayne ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirro, xildhibaanno, odayyo dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

    Madaxwayne ku xigeenka ayaa imaanshihiisa kadib khudbad ka jeediyay qaybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan isaga oo ka warbixiyay hawlihii shaqo ee uu safarkiisan daaranaa isla markaana faahfaahiyay in hawlihii uu u aaday gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ay ugu qabsoomeen sidii ay dawladdu u qorshaysay guulna ay ku soo dhammaadeen.

    Wuxuu sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud

    Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale khudbadiisan kaga hadlay halista xanuunka saf marka ah ee COVID-19 ee ku faafaya guud ahaan dalka gaar ahaanna magaalada Kismaayo isaga oo shacabka ugu baaqay in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan qaataanna talooyinka dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.