Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Muuse Biixi “Cidii khal khal gelineysa dalka waa in gacan bir ah lagu qabto”
    Somalia

    Madaxweyne Muuse Biixi “Cidii khal khal gelineysa dalka waa in gacan bir ah lagu qabto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka Soomaaliland.

    Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, islamarkaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada  iyo madaxweynuhu isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaaโ€™udiinka reer Somaliland, shir guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin  talo iyo tusaalooyin la xiriira sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen.

    Xubno kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Cabdirisaaq Albaani iyo culimo kale oo kulanka hadallo ka jeedisay, ayaa si weyn u ammaanay wada-shaqaynta iyo isku-xirnaanta u dhaxaysa xukuumadda iyo culimada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in kulamada noocan oo kale ahi ay xoojinayaan isku-duubnida iyo wada-tashiga qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna culimada ugu baaqay inay xukuumadda kala shaqeeyaan kor-u-qaadista wacyiga bulshada, kana qayb-qaataan hirgelinta iyo dhaqangelinta wax kasta oo ay shacabka faaโ€™iido ugu jirto.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa, ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

    โ€œWaxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayo dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.โ€

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.