Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Waare “Lama aqbali karro dagaal beeleedyada Hiiraan”
    Somalia

    Madaxweyne Waare “Lama aqbali karro dagaal beeleedyada Hiiraan”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno hoos yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.

    Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, iyadoo madaxweynuhu uu ku tilmaamay dagaal beeleedyada soo noq noqday kuwa taageero siinaya Al Shabaab oo dadkeena u diidan Nabadda.

    โ€œColaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay Hirshabeelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha, Culumoโ€™udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabeelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,โ€ ayuu yiri madaxweyne Waare.

    Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli ayaa hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Waare.

    Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-ShabeelleMaxamed Cabdi Waare ayaa xusay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabaddaโ€ฆnabadda..nabadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.