Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Waare oo ka hadlay Caqabadaha Hor-taagan Maamulkiisa (DHAGEYSO)
    Somalia

    Madaxweyne Waare oo ka hadlay Caqabadaha Hor-taagan Maamulkiisa (DHAGEYSO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    JOWHAR (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa mar kale shaaciyey caqabadaha heysta Maamulkiisa oo dib u dhigay Shaqooyinkii looga baahnaa.

    Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle caqabada koobaad ay heysata ay tahay dhinaca amniga,isla markaana deegaano badan oo ka tirsan Maamulkaas ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhinaca amniga.

    Waxa uu sheegay in Wadooyin ka mid ah deegaano ka tirsan Maamulkiisa ay yihiin kuwo xiran,isla markaana tira ka dhowr jeer  looga hadlay sidii loo furi lahaa shirar ka dhacay Magaalooyinka Adis Ababa iyo Nairobi ee dalalka Kenya iyo Itoobiya.

    Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay isu tashadan,waxaana uu sheegay in bilaha soo socda Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo AMISOM ay siwadajir ah u furi doonan wadooyinka u go’doonsan Al-Shabaab.

    Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa mararka qaar weeraro ka geysta Al-Shabaab,iyada oo laga go’ay in la maro wadada isku-xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeelleaha Dhexe oo ay Ururka Shabaab weerar ka geystaan.

    DHAGEYSO.

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.