Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Xasan oo tababar usoo xiray Ciidamo cusub
    Somalia

    Madaxweyne Xasan oo tababar usoo xiray Ciidamo cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Maarso 7, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Side Gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee Turksom.

    Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

    “Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan”.

    Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

    Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

    DHAMMAAD
    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.