Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO LA KULMAY SHIIKHA AL-AZHAR ALSHARIF
    Somalia

    MADAXWEYNE XASAN SHIIKH OO LA KULMAY SHIIKHA AL-AZHAR ALSHARIF

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 20, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaahira, Jannaayo 20, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Khawaarijta Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

    Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

    Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.