Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne xigeenka la doortay oo xilka kala wareegay M.xigeenkii hore Ee PL
    Somalia

    Madaxweyne xigeenka la doortay oo xilka kala wareegay M.xigeenkii hore Ee PL

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 11 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

    Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaa ka qeybgalay Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

    Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsanahay inuu xilka wareejiyay guul weyn laga gaaray difaaca Gobolka Sool, wuxuu u mahadceliyay Madaxweyna Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Golaha Wasiirada , Ciidamada Amniga iyo Saraakiisha Madaxtooyada ee ay soo wada shaqeeyeen.

    Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo hadlay wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay isagoo muujiyey marwalbo inuu u yahay Odey geed fadhi ah oo uu kala tashan doono Arrimaha Puntland iyo gaar ahaan Arrimaha SSC.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo xiray Munaasabadda wuxuu boggaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo doorkiisii joogtada ahaa ee shaqooyinkii u qabsoomay Dowladda, wuxuuna u rajeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in isna alle u fududeeyo masuuliyadda iyo howlaha horyaalla.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.