Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne xigeenkii Trump oo noqday musharax Madaxweyne
    Somalia

    Madaxweyne xigeenkii Trump oo noqday musharax Madaxweyne

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence ayaa xisbiga Jamhuuriga u gudbiyey waraaqihiisa musharaxnimo ee caddaynaya inuu u tartamayo jagada musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga ee sannadka 2024, isaga oo xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa kula tartami doona musharaxiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynihii uu ka hoos shaqayn jiray ee Donald Trump, oo isna haatan loollan ugu jira booskaas.

    Pence oo hore u soo noqday madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha gobolka Indiana, ayaa haatan go’aansaday inuu si rasmi ah uga mid noqdo musharaxiin tiro badan oo ka qayb gelaya doorashada is reebreebka ee xisbiga gudihiisa.

    Mike Pence,ayaa doonaya inuu iska gado, codbixiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee aan ku qanacsanayn hoggaaminta Trump.

    Inkasta oo Trump lagu soo oogay dacwado kala duwan, haddana weli waa musharaxa ugu saamaynta badan xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa, waxaana kaalinta labaad ku jira, guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis.

    Mike Pence,ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada ah si rasmi ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa, taas oo ku beegan maalintii dhalashadiisa, isaga oo haatan ay da’diisu tahay 64-jir.

    Pence,ayaa inta badan isku tilmaama inuu yahay “qof Masiixi ah, muxaafid ah oo aaminsan xisbiga Jamhuuriga, sida ay u kala horreeyaan”, isaga oo doonaya inuu olole ballaadhan ka sameeyo gobolka Ioma, wuxuuna rajaynayaa inuu kasbado codadka dadka ku ad-adag diinta masiixiga ee la dhacsan aragtiyihiisa uu kaga soo horjeeda, in ilmaha la iska soo rido.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.