Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne xigeenkii Trump oo noqday musharax Madaxweyne
    Somalia

    Madaxweyne xigeenkii Trump oo noqday musharax Madaxweyne

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence ayaa xisbiga Jamhuuriga u gudbiyey waraaqihiisa musharaxnimo ee caddaynaya inuu u tartamayo jagada musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga ee sannadka 2024, isaga oo xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa kula tartami doona musharaxiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynihii uu ka hoos shaqayn jiray ee Donald Trump, oo isna haatan loollan ugu jira booskaas.

    Pence oo hore u soo noqday madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha gobolka Indiana, ayaa haatan go’aansaday inuu si rasmi ah uga mid noqdo musharaxiin tiro badan oo ka qayb gelaya doorashada is reebreebka ee xisbiga gudihiisa.

    Mike Pence,ayaa doonaya inuu iska gado, codbixiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee aan ku qanacsanayn hoggaaminta Trump.

    Inkasta oo Trump lagu soo oogay dacwado kala duwan, haddana weli waa musharaxa ugu saamaynta badan xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa, waxaana kaalinta labaad ku jira, guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis.

    Mike Pence,ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada ah si rasmi ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa, taas oo ku beegan maalintii dhalashadiisa, isaga oo haatan ay da’diisu tahay 64-jir.

    Pence,ayaa inta badan isku tilmaama inuu yahay “qof Masiixi ah, muxaafid ah oo aaminsan xisbiga Jamhuuriga, sida ay u kala horreeyaan”, isaga oo doonaya inuu olole ballaadhan ka sameeyo gobolka Ioma, wuxuuna rajaynayaa inuu kasbado codadka dadka ku ad-adag diinta masiixiga ee la dhacsan aragtiyihiisa uu kaga soo horjeeda, in ilmaha la iska soo rido.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.