Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MadaxweyneTrump oo ay ubadan tahay in la xiro
    Somalia

    MadaxweyneTrump oo ay ubadan tahay in la xiro

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

    Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad.

    Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah.

    Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

    “Jack Smith, dacwad oogaha Waaxda Cadaaladda Joe Biden, ayaa soo diray warqad… uu ku sheegayo inaan bartilmaameed u ahay baaritaanka xeerbeegtida January 6,” Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

    Trump oo 77 jir ah ayaa sheegay in la siiyay afar maalmood si uu ugu soo wargaliyo xeerbeegtida “taas oo mar walba la macno ah xarig iyo dacawd.”

    “Ugaarsigan wuxuu ku saabsan yahay farogelinta doorashada iyo in sharci fulinta loo adeegsado hub siyaasadeed ahaan,” ayuu yiri. “Waxay qarankeennu u tahay xilli madow iyo murugo.”

    Trump oo la hadlay Fox News goor dambe Talaadadii ayaa ku eedeeyey Xisbiga Dimoqraadiga inay Waaxda Cadaaladda u adeegsanayaan inay dilaan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

    “Waaxda Cadaaladda waxay noqotay hubka Dimoqraadiyiinta,” ayuu yiri. “Waxay rabaan inay isku dayaan, oo ay hoos u dhigaan, oo ay wiiqaan, oo ay cabsi geliyaan dadka.”

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.