Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyneyaashii Hore oo u duulay Beledweyne iyo Kheyre oo ka baaqday.
    Somalia

    Madaxweyneyaashii Hore oo u duulay Beledweyne iyo Kheyre oo ka baaqday.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafdigii Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa u dhoofay garoonka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kaddib muddo saacado ah oo lagu xanibay garoonka Diyaaradaha Muqdisho subaxnimadii hore ee saaka.

    Wafdiga ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif, ayna wehlinayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xubno kale, ayaa saaka lagu xayiray amar kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin kamid ah Maamulka Garoonka.

    Go,aankan ayaa sababtay jawhareer, waxaana madaxdii hore iyo wafuudii la socotay ay ku adkeysteen in aanay garoonka ka bixi doonin, illaa ay diyaaradda ka raacaan.

    Sababtii saaka loo xayiray Madaxdii Hore ayaa ka dambeysay kaddib safar lagu waday inuu Beledweyne ku taggo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasoo markii dambe ka baaqday.

    Dhacdadii saaka ayaa u muuqatay loolan labada dhinac, ee dowladda iyo Madasha Xisbiyada Mucaaradka, waxaana dad badan ay dhaliileen tallaabada siyaasadeysan ee lagu hor-istaagay wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee gurmadka u waday Beledweyne.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.