Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Manhajka Xanaanada Caruurta Puntland oo la daahfuray
    Somalia

    Manhajka Xanaanada Caruurta Puntland oo la daahfuray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 7, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland,ayaa daahfurtay Manhajka Waxbarashada Xanaanada Caruurta oo la qoray Luuqada Somaligana loo turjumay, Manhajkaan hadafkiisu waxaa weeye in lagu tababaro barayaasha.

    Wasaaraddu waxay isugu yeertay khuburo ku xeeldheer waxbarashada si ay u lafa guraan,una hubiyaan Qoraalka iyo Turjumaada Manhajka.

    Wasiirka Wasaarada Dr.Cabdullahi Maxamed Xassan iyo Agaasimaha waaxda tababarada iyo mashaariicda Mudane.Dr. Cabdullahi Axmed,ayaa furintaankii ku booriyey khuburada in ay si qoto dheer u fiiriso manhajka luuqada soomaliga ah ee lagu turjumayna u hubiyaan si aan loo lumin micnaha saxda ah, loona ilaaliyo in aan la lumin erey bixinta manhajka ee ku haboon .

    Wasaarada waxaa ka taageeray qorida iyo turjumida Manhajkan hay’ada Unicef oo Faatuma Cali Xassan ku matalaysay kulankaan.

    Dhankiisa waxaa kulankaan daadihinayey Lataliye Mohamed Jama Geelle, waxaana uu si dhow ula shaqayn doona khubarada wasaaradu u xilsaartay lafagurida iyo hagaajinta Manhajka.

    Wasaarada,ayaa dhawaan ku tababari doonta barayaasha xanaanada Caruurta Manhajkan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.