Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maqaal: Dalka Doorasho qof iyo cod ah ma ka dhici kartaa 2021 ?
    Somalia

    Maqaal: Dalka Doorasho qof iyo cod ah ma ka dhici kartaa 2021 ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Marka laga hadlayo arrinta doorashada iyo weliba sida ay suurto-gal u noqonkarto waa mid aad u xasaasi ah ayna adagtahay in la rumaysto soomaaliya in ay gelikarto doorasho qof iyo cod ah.

    Shakhsi ahaan waxaan ahay dadka aaminsan in ay adagtahay doorasho qof iyo cod ah in ay ka qabsoonto wadankan, iyada oo la sameeyo dhowr arrimood oo mubiim ah mooyee.

    Arrimha aan aaminsanahay in ay hortaaganyihiin doorshada ama adkaynaya ayaa ah dhawr qodob oo inta badan ay macquultahay in ay dadku ila qabaan.

    1. Xuduudihii waddanka oo aan xidhnayn
    2. Tiro-koob sax ah oo aan laga hayn bulshada soomaaliyeed.
    1. Dhul ay adagtahay in laga codeeyo sababo amni iyo in dhulka qaarkiis ay maqanyihiin oo aysanba ogolayn in ay ka dhacdo doorasho, sida deegaannada somaliland.
    2. Nidaamka xisbiyada oo u baahan ansaxin iyo weliba buuxinta shuruudaha oo ay u horrayso in ay sameeyaan xafiisyo ku yaalla waddanka intiisa badan.

    Intan oo arrimood oo jira awgeed waxaad mooddaa in ay adagtahay qabsoomidda doorashada la tuhmaayo 2021.

    Waxaa jira hawlo badan oo ay qabteen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo weliba xeelado kale oo ay ku qabaanayaan doorashada waddanka.

    Sidee doorashadu ay noqon doontaa? 

    Xuuraamin iyo la-sheekaysi aan la yeeshay Guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee soomaaliya, waxa ay caddeeyeen in ay sameeyeen hannaan cusub kaas oo sahlaya doorashada qofka iyo codka ah ee la filaayo.

    Guddigu waxa ay ku hawlanaayeen muddo dheer hannaanka ay noqonayso doorashadu, ilaa maanta iyo maalintii la magaacabayna waxa ay sameeyeen shaqo wanaagsan oo la taabankaro, una muuqata in ay tahay natiijo soo dhowaysay hannaankii doorashada qofka iyo codka noqon lahayd.

    Waxa ay sameeyeen jaan-gooynta qaabka doorashada iyo weliba goobaha ay ka dhacayso, waxa ay diyaariyeen degmooyinka ay ka qabsoomayso iyaga oo weliba wada-tashi la yeeshay bulshooyinka deegamadii ay tageen waa sidaa ay ii sheegeen.

    Waxa ay guddigu sheegeen in doorashadu ay noqon-doonto 24 Degmo oo ka tirsan maamul gobolleedyada kuwaas oo weliba ay ku sameeyeen sahmin dhamaystiran.

    Marka la eego shaqada ay qabteen guddigu oo ahaa in ay dhammaystireen haddana waxaad mooddaa in ay jiraan shaqooyin badan oo dhiman taas oo ku noqon karta caqabad hannaanka ay wadeen muddooyinka.

    Maxaa hor-is-taagikara shaqadii ay qabteen guddiga doorashooyinku?

    Waxa uugu weeyn ee caqabad ku noqonaysa waa in golaha baarlamaanka Soomaaliya aysan ansaxin hannaanka doorashada iyo wixii ay soo qabteen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

    Waxyaabaha uugu weeyn ee sababaya in aysan baarlamaanku ansaxin hannaanka doorashada qof iyo codka ah ayaa noqonaysa in qaar ka kim ah golaha baarlamaanku ay xulafo la yihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah xukuumaddan iyo in ay qaarkood iyagu yihiinba kuwo rajo ka leh hoggaanka waddanka, waxana ay aaminsanyihiin haddii uu waddankani galo qof iyo cod in ay suuro-gal tahay xukuumadda hadda jirtaa in ay soo laabato, maadama inta badan xukuumaddan ay taageere ka haysato shacabka intiisa badan.

    Dhanka ka kale xildhibaannada qaarkood waxa ay aaminsanyihiin in xukuumaddani ku shuban doonto doorashada qofka iyo codka ah.

    Waxaa jira xildhibaanno badan oo iyagu aanba doonayn in waddanku ka gudbo hannaanka ku dhisan 4.5 oo ay go’aanka leeyihiin baarlamanku, waayo darajada baarlamanka ayaa u ah halka waddo ee ay siyaasadda kaga cayshaan.

    Ma qabsoomaysaa doorashadu wakhtigii loo asteeyay oo ku beegan “2021-February”? 

    Marka la eego wakhtiga doorashada iyo hannaanka socda ama laga yaabo in uu yimaaddo, waxa ay u eegtahay in ay doorashadu dib u dhacdo iyada oo weliba xilligaas dawladdu soo bandhigto qorshayaal doorasho oo ka duwan kuwii hore, fulintooduna ay macquultahay in ay qaadato wakhti.

    Waxa suurto-gal noqonaysa in nidaamka ay ka hor-yimaaddaan maalmul Gobolleedyada iyo weliba xubnaha wakhtigaas u taagan qabashada hoggaanka soomaliya, jiid-jiidkasi waxa uu sababikaraa in uu qaato wakhti dheer kaas sababa in doorashadu ay dhaafto wakhtegeedii.

    Sida oo kale doorashadan ay dalwddu qorshaysay ee ah qofka iyo codka haddii ay fusho, waxaa wakhti qaadanaya xilliga soo bixista natiijada iyo weliba Ku qancinta tartamayasha natiijada, maaddaama ay tahay markii uugu horraysay ee waddunku galo doorasho caynkan ah.

    Muddadan lugu jiro kala guurka wejiga cusubna leh uuma malaynaayo wax xumaan ah in ay leedahay haddii laga gudbaayo hannaankii hore ee hab-qabysiga beelaha ah ku dhisnaa.

    W/Q: Cumar Rodol

    Cumarrodol@gmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.