Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milleteri ah oo balaaran
    Somalia

    Maraykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milleteri ah oo balaaran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 26, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Difaaca ee Dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo Wasiirka Difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale,ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo Shan Sannadood ah.

    Xoghaye Austin,ayaa sheegay in Maraykanku uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee Gobolka iyo weliba kuwa caalamka.

    Sidoo kale,waxuu Kenya uga mahadnaqay doorka hoggaamineed ee ku aaddan Ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo in ay dib u soo celiyaan xasiloonida Haiti.

    Austin,ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay in ay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka, sidii loo ansixin lahaa Lacag gaaraysa illaa $100-Milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

    Austin oo ka hadlayey arrimaha Gobolka,ayaa soo hadal qaaday Ururka al-Shabaab,isaga oo sheegay in Dowladda Maraykanku ay si gun-dheer ay u qiimaynayso iskaashiga kala dhexeeya Kenya ee ku aaddan la dagaalanka kooxda al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.