Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka iyo Turkiga oo xiisad adag ka dhex taagan tahay
    Somalia

    Maraykanka iyo Turkiga oo xiisad adag ka dhex taagan tahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot.

    Moscow ayaa ka jawaabaysay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabtao, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus.

    Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO.

    Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin.

    Mar arrintan wax laga weydiiyey afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov waxa uu yiri “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono”

    Wasiirka difaaca Turkey ayaa arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400.

    Xigasho.VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.