Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay Sarkaal sare oo Daacish ka tirsan
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    Maraykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay Sarkaal sare oo Daacish ka tirsan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacishta Somaaliya.

    Cabdiweli Maxamed Yuusuf,ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay.

    “Maanta (Khamiis) Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka.

    Qeybtii hore ee sannadii 2022 iyo 2021, Daacishta Soomaaliya ayaa qaadday lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doollar, taas oo ah lacago baad ah oo ka aruursatay ganacsiga iyo gacansatada gudaha, soo dejinta, daaqsinka iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda Mareykanka.

    Tallaabadan ayaa Mareykanku ku tilmaamay inay muujineyso ‘taageerada Maraykanku u hayo saaxiibadiisa dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta amniga qaranka iyo Gobolka.”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.