Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka Oo diiday cafinta dayntii Uu Somaliya kulahaa
    Somalia

    Maraykanka Oo diiday cafinta dayntii Uu Somaliya kulahaa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 12, 2019Updated:December 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wargayska Foreign Policy ayaa daabacay maqaal dheer uu kaga waramayo caqabado heesto safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, taas oo ay suuragal tahay in uu isku casilo.

    Cabqada ugu wayn ee heesata safiirka ayuu wargaysku ku sheegay in ay tahay hanaanka dayn cafinta Soomaaliya oo aanan u muuqanin mid hirgalayo.

    Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku leh dayn gaarayso Hal bilyan oo dolar,ayaa horumuud u ah qorshaha dayn cafinta Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in xisaab xirka miisaaniyada sanadkan aan lagu qeexin Mareykanku in uu cafinayo daynta uu ku leeyahay Soomaaliya.

    Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo dadaal xoogan ugu galay in qorshaha dayn cafinta Soomaaliya uu hirgalo.

    Wargayska Foreign Policy,ayaa ku waramay in Yamamoto uu qarka usaaran yahay in uu is casilo madaama qorshihii daynta cafinta ee uu dabada ka riixayay uu fashilmay.

    Wasaaradda arimaha dibadda iyo maaliyada ee Mareykanka,ayaa isak diiday in ay ka hadlaan arinta dayn cafinta Somaliya sida Wargaysku sheegay.

    Dowladaha kale ee caalamka kuna leh Somaliya daynta,ayaa eeganayay Maraykanka oo ku leh dayn gaaraysa Hal Bilyan Somaliya sida qaarkoodba si cad usheegeen in ay ku xiran tahay dayn cafintooda talaabada uu qaado Maraykanka.

    Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dadaalkeedii ugu xooganaa galisay qorshaha dayn cafinta ee hada fashilmay.waxuuan ku yahay dhabarjab weyn.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.