Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo dukhayn diyaaradeed ku dilay Xubno ka tirsan Alshabaab
    Somalia

    Maraykanka oo dukhayn diyaaradeed ku dilay Xubno ka tirsan Alshabaab

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 13, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    War saxaafadeed maanta ka soo baxay hogaanka Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dawladda Somaliya, uu ciidanka Africom fuliyey 3 weerar oo dhinaca cirka ah oo bartilmaameedsan.
    Weeraradaas ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu qaaday ururka Al-Shabaab, saacadda Somaliya markii ay ahayd qiyaastii 2:15 salaadda subax ka hor, halkaasna lagu dilay 6 argagixiye.
     
    War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu ka dhacay meel 260 km koonfur ka xigta magaalada caasimadda ah. Warka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tallaabadan u qaaday, isaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanku, bishii March ee sanadkan 2017ka, amarkaas oo ciidanka Maraykanka u ogolaanaya inuu tallaabooyin ad-adag ka qaado ururka Alshabab ee ku sugan goobo gaar ah, iyada oo arrintaas lagu taageerayo ciidamada Somaliya.
     
    War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanku uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Maraykanka, una curyaamiyaan argagixisada, iyada oo arrintaas loo marayo la shaqeynta ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM iyo ciidanka qaranka Somaliya si loo wiiqo awoodda argigixisada ee Somaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.